DHAGEYSO:Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Afgooye oo xogo cusub kasoo baxay oo shegaayo in…

Warar kale ayaa kasoo kordhay Qaraxii Maanta Duhurnimadii Ka dhacay Degmada Afgooye oo Khasaaro geystay.

Badweyn ayaa Goor sii horeysay Xog ku ogaatay in Gaari Caasi ah uu is qarxiyey waxyeeladuna ay aad u koobneyd.

Cali Nuur Maxamed oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Sh/Hoose oo Galabta uwaramay VOA SOMALI ayaa sheegay in hal qof uu dhintay iyadoo labo kale ay dhaawacmeen.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxa Gaariga is qarxiyey uu Cali Nuur ku sheegay Gaari Caasi ah oo Khudaar lagu soo raray,islamarkaana gaari ciidan la socdeen markii hore uu isku qarxin rabay balse markii dambe uu Meel ciidan kusugnaayeen ku qarxay.

Gudoomiye Cali Nuur waxa uu sheegay inay jiraan Labo Askari oo Raq iyo Ruux midna lagu heyn oo la baadi goobayo Taleefoonadoodiina la waayey.

Xogta uu ka bixiyey Gaariga is qarxiyey ayuu sheegay in dhowr qof maleeyeen inay la socdeen marka ay arkeen Hilbaha oo Qof ka badnaa sida uu yiri ee qaraxa ku hallaagsamay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads