Dhageyso+Warbixin: Sidee madaxda dalka loogu ciqaabayaa haddii ay sameeyaan musuq maasuq ?.

Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa inay ugu horeyso dalalka musuq maasuqa ugu badan uu ka jiro, musuqa ayaa saameeya shaqeynta awooda Hay’addaha Dowladda iyo horumarka dalka.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhawaajiyay, inay la dagaalamayaan Musuq maasuqa, waxaana loo xiray ilaa iyo hadda Saddex masuul oo dowladda ka tirsan.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

26 July, agaasimaha waaxda dib u dajinta barakacayaasha ee wasaaradda Gargaarka ayaa loo xiray eedeymo la xiriira musuq maasuq, Mukhtaar Mahad Daa’uud wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayaa isna eedeymo Musuq maasuq loo heystay labo maalin ka hor.

Shalay 5 Agoosto 2018, waxaa eedeymo musuq maasuq loo xiray masuul ka tirsan maxkamadda gobolka Banaadir kadib Amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaana lagu xiray Cabdul Qaadir C/laahi Xasan Shaango.

Musuq maasuqa kaliya ma ahan dhaqaalo la lunsado, balse waxaa kamid ah musuqa dakhliga dalka, Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga, Heshiisyada dowladda ay gasho, magacaabista xilalka iyo Garsoorka.

Waxaana dhamaantood aasaas u ah cadaalad daradda iyo isla xisaabtan la’aanta.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, wuxuu noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir sanadkii 2010 ilaa 2014, wuxuu sheegay muddada xilka uu hayay inuusan dhisan Hal guri, lacagna uusan qaadan, laakiin uu bixiyay labo dhul oo ku yaala Muqdisho, xilli uu ka qeyb galayay barnaamij looga hadlayay la dagaalanka musuq maasuqa oo bishii September 2016, ka dhacay Muqdisho.

Tarsan, ayaa sheegay in kaliya uu bixiyay dhulka ay degen yihiin safaaraddaha Turkey iyo Imaaraatka, uuna ku bixiyay amar madaxweyne. hadaba muxuu yahay nooca musuq musuq ee ka jira Soomaaliya.

“Wadankan musuq maasuqa ka jira waa mid Systematic Coreption ah, meel kasta ayuu taabtay, hadii uusan jirin isla xisaabtan, naftu waxay jeceshahay wax walba oo dhibaato ah.” Ayuu yiri Tarsan.

Kadib Tarsan waxaa xilka guddoonka gobolka kaga dambeeyay Afar guddoomiye, waxaana la bixiyay dhul dowladeed oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo shaqsiyaad loo gacan geliyay, walow masuul walba uu sheegay in isaga uusan masuul ka aheyn bixinta hantida dadweynaha, laakiin Tarsan waa guddoomiyihii ug horeeyay oo cadeeya dhulka uu sida sharciga ah ku bixiyay inta xilka uu hayay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo muddo badan ka mid ah baarlamaanka ayaa sheegay in magacaabista xilalka iyo arrimo kale ay qeyb ka yihiin musuqa, balse wuxuu ka digay in shaqsiyaad gaar ah lagu beegsado la dagaalanka musuq maasuqa, Dalxa waxaan weydiiyay in guddigan ay la xisaabtami doonaan madaxda hadda musuqa lagu eedeeyay iyo kuwii horaba.

“Musuq annaga waqti uma aanan qaban, nin alaale ninkii hanta dawladeed sharci daro ku qaba ama ninka ku gabood fala cadaalada, musuqa ma ahan keliya in lacag la lunsado, balse hadii meesha ay ka baxdo cadaaladda waxaa imaanaya musuq.” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Su’aasha la is weydiinayo ayaa ah, sidee Madaxda ugu sareyso dalka loogu ciqaabayaa musuq maasuq haddii ay sameeyaan ?

13 Nov 2017, baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay dhismaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa, oo wasaaradda cadaaladda ay soo diyaarisay.

Xil ka qaadistii ugu dambeysay ee Prof Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, ayaa la rumeysan inay ku baxday dhaqaalo badan oo aan aheyn, mushaar iyo gunno, taasi oo shaki badan dhalisay.

Shakiga ugu badan ee dhalin kara musuq maasuqa ayaa ah, in madaxda aan la ogeyn hantida ay leeyihiin ka hor inta xilka aysan qaban, maadaama hanti badan lagu arko masuuliyiin qaar marka xilalka ay ka tagayaan.

Arinta kale ee taagan ayaa ah in dowladda ay heshiisyo la galaan dowladaha caalamka iyo dadka Soomaaliya maalgashanaya, balse ma jirto in dadweynaha lala wadaago qodobada rasmiga ah ee heshiisyada ku qoran, faa’idada ugu jirto dalka iyo waxyaabaha Soomaaliya looga badalanayo heshiisyada.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa horey u sheegay in madaxda caalamka aysan ka wanaagsaneyn madaxda Soomaaliyeed, balse uu jiro hanaan dowladeed iyo sharci ay ka cabsanayaan, kaasi oo horseedaya inay wax walbaa iska ilaaliyaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads