Dowlado cusub oo ku biiray wada hadal-siinta Jabuuti iyo Eritrea (Yaa ka mid ah?)

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa khilaaf Siyaasadeed heer xun gaartay oo ka dhex aloosan dowladaha Djibouti iyo Eritrea.

Khilaafkan ayaa waxaa xalintiisa ballanqaaday dowlada Ethiopia oo xiriir wanaagsan la leh labada dal ee Djibouti iyo Eritrea.

Dowlada Djibouti ayaa Eriterea ku eedeysay inay awood Militery ku heysato dhul baaxad weyn oo ku yaalla xadka labada dal, halka Eritrea ay ku adkeysaneyso inay leedahay dhulka ay sheeganeyso Djibouti.

Dowladaha isku howlay wadahadalsiinta Djibouti iyo Eritrea ayaa waxaa iminka ku biiray Kuwait iyo Masar oo iyaguna calaaqo wanaagsan ay kala dhexeyso labada dal ee khilaafkooda uu sii fogaaday.

Dowladaha kusoo biiray wadahadalsiinta labada dal ay sidoo kale qeyb ka ah wadamada u bahoobay baacsiga Qadar, waxaana xusid mudan in Eritrea ay garab u tahay xulufada Sacuudiga.

Sidoo kale, gogosha wadahadalsiinta labada dal ayaa waxaa dhigi doona dowlada Ethiopia oo garabsan doona dowladaha ku biiray wadahadalka.

Lama saadaalinkaro natiijada kasoo bixi doonta wadahadalka u furmi doona dowladaha Djibouti iyo Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here