Kumaandooska DFS iyo Ciidamada Mareykanka oo kasoo baxay deegaano ay ka saareyn Shabaab..

Ciidamada Kumaandoosta Mareykanka oo ku wehlinayey Howlgal shalay laga fuliyey Ciidanka Soomaalida ayaa waxay ku qabsadeen Deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Balcad Ee Gobolka Sh/Dhexe.

Al Shabaab ayaa dagaal la’aan looga saaray Daniga Baaloow,Basra iyo Tuulooyin kale oo ay Muddo katalinayeen.

Dadka deegaanadaasi waxay sheegeen in ciidanka Shalay qabsaday ay ahaayeen kuwo aad u hubeysan,xalayna ay ku hoydeen meel la yiraahdo Buulo Kuuto.

Warar duhurnimadii la helay ayaa sheegaya in ciidankii Huwanta ahaa ay kasoo baxeen Deegaanadaasi,lamana oga sababta ka dambeysa soo laabashadaasi.

Marar badan ayey sidaan oo kale Ciidanka Huwanta ah inta ay deegaano qabsadeen kadibna iskaga soo baxeen,taasi oo dadka ay ku micneeyeen in jug jug meeshaada joog ay tahay.

Al Shabaab ayaa dhankooda waxay warbaahinta internet-ka ay leeyhiin ku xaqiijiyeen in ciidankii shalay qabsaday Deegaanada Balcad Hoostaga ay dib uga soo laabteen.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads