SAWIRO: War Deg Deg ah oo naga soo gaaray Degmo kamid ah Muqdisho, Dhimasho & dhaawac…

Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan gaar ahaan xaafadda Taleex ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa uu ka dhacay shil baabuur oo qasaaro nafeed geystay.

Hal qof ayaa dhintay labo kalana dhaawac ayaa soo gaaray ,sida aan warka ku heleeyno.

Shilkan ayaa yimid kadib markii baabuur caasi ah uu wadada ka baxay, meel ku dhaw maqaaxida fatxi, isaga uu ku socday laamiga taleex.

Dadkii dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitalaada ka ag dhaw halka ay wax ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here