SAWIRO: Xaaska madaxweynaha Suuriya oo kansarka naasaha ku dhacay..

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Suuriya Bashar al- Asad ayaa lagu sheegay in xaaskiisa Asma al-Assad uu ku dhacay cudurka dilaaga ah ee Kansarka.

Asma al-Assad ayuu cudurkani ka haleelay mid ka mid ah naaseheeda oo lagu arkay buro, waxaana uga bilowday daweyn isbitaal ku yaal magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya.

Muuqaal qoraalkan lasoo raacsiiyay ayaa waxa uu muujinayaa marwa Asma oo isbitaal joogta islamarkaana la dhoola-cadeyneysa seygeeda madaxweyne Bashar al-Asad.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in nasiib wanaag cudurkani laga warhelay xilli hore, islamarkaana daqeyntiisu fududahay.

Dalka Suuriya ayaa waxaa ku socda dagaal dhanwalba leh oo kaga imaanaya waddamada reer galbeedka intooda badan, laakiin waxaa iyagana garab taagay dalal ay ka mid yihiin Ruushka iyo Iran.

Dagaallo sokeeye oo ay dabada ka riixayaan reer galbeedka ayaa ka soconaya tan iyo sannadkii 2011-ka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads