SHABAAB oo qarxiyay Gaari ay la socdeyn Ciidamo kenyaan ah..

Xoogag hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa qarax Miino waxa ay ciidanka Kenya kula eegteen degaan ka tirsan gobolka Xeebta ee Lamu.

Gaari nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidanka Millatariga Kenya ee loo yaqaano (KDF) ayaa qaraxan si gaar ah ugu qabsaday inta u dhaxaysa Kenyatta Forest iyo Bodheey oo ka wada tirsan gobolka Lamu.

Saraakiisha ciidanka ammaanka dalka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen qaraxan inay kaga dhinteen ilaa Shan askari oo ciidankooda ka tirsanaa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa Lix kale.

Waxay kaloo sheegeen saraakiisha ciidanka Kenya inay jawaab ka bixin doonaan qaraxan, iyaga oo sidoo kale tilmaamay inay warbixin dhameystiran ka soo saari doonaan qaraxan, islamarkaana ay ku daba jiraan raggii weerarka geystay.

Shabaab war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen Sagaal askari oo Kenyan ah, kadib markii gaari ay saarnaayeen qabsatay Miino dhulka lagu aasay.

Ururka Al Shabaab ayaa qalqal xoogan geliyay amniga guud ee dalkaasi Kenya, tan iyo markii Ciidanka Militariga Kenya ay gudaha u soo galeen Gobolada Koonfurta Soomaaliya, daba-yaaqadii sanadkii 2011-ka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads