Shaqsiyaadka ugu saameynta badan golaha wasiirada’xildhibaanada labada aqal iyo taliyaal ciidan oo heysta dhalashada dal dowlada Soomaaliya saake ku tilmaamtay mid…

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay la safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Canada ayaa hadana xubanaha dowladda ku jira sida Golaha Wasiirada, Xildhibaanada labada aqal, taliyeyaasha ciidamada iyo agaasimayaasha qaar waxay heystaan dhalashada dalka Canada.

Mowqifka Dowladda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ayaa dhaliyay dood iyo hadal heyn hareysay baraha bulshada, taasoo dad badan ku tilmaaman mid degdeg ah oo fudeed ka muuqday.

Dadka qaar ayaa tusaale u soo qaadanaya hab dhaqanka labada dowladood iyo cida Soomaaliya taageertay, kaddib burburkii dowladda Dhexe, iyadoo Canada ay ku nool yihiin Soomaali fara badan, kuwaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, heystana dhalashada dalka, qaarkoodna xilal Ka haya, sida Wasiirka Socdaalka dalkaas.

Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa labaatankii sano ee la soo dhaafay dalkeeda ka soo tarxiishay muwaadiniin fara badan oo Soomaaliya.

Arrinta kale oo layaabka ayaa ah inta badan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ay yihiin kuwo heysta dhalashada dalka Canada, oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo qoraalka laguma safray Sacuudiga ka soo baxay Wasaaraddiisa.

Hadaba xubnaha Wasiirada ee heysta dhalashada Canada ayaa waxaa ka mid ah:-

1- Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad
2- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac
3- Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil
4- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaae
5- Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamdd Xasan
6- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin
7- Wasiirka waxbarashadaC/llaahi Goodax Barre iyo wasiir kuxigeeno
8-Taliyaha Nabadsugida Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen

9- Xildhibaano katirsan aqalka sare iyo kuwa Xildhibaano Golaha Shacabka.

Ma ahan markii u horeysay ee dowladda Soomaaliya ay taageerto mowqifyada Sacuudiga ka qaadato dalalka reer galbeedka ee faragelinta ku sameeya arrimaheeda gudaha, waxaana sanadkii 2015 ay dowladda Soomaaliya cambaareysay faragelinta Sweden ku sameysay dalkaas.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads