XOG: Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub ee ka dhex qarxay A.Madoobe & Farmaajo…

Xog la helay ayaa ku warameysa in dagaal siyaasadeed oo qaboow uu hadda ka dhex jiro Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Arinta la isku hayo ayaa ah sidii meesha looga saari lahaa Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud iyo Axmed Madoobe oo diidan.

Waa Nin kasoo jeeda Jubbaland Wasiir Daa’uud si dhawna ula safan Axmed Madoobe,hase ahaatee Xukuumada Kheyre ayaa dejineysa qaabkii xilka looga qaadi lahaa Wasiir kuxigeenka Arimaha Dibada.

Dhawaan ayaa waxa ciidanka Booliska ay isku dayeen inay xiraan Mr daa’uud laakiin buuq iyo Rabshad dhacday kadib waxa la sheegay in dib loo dhigay Kiiskooda.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ku Eedeeyey Wasiir Mahad Daa’uud inuu wax isdaba marin sameeyey oo Xatooyo Hantida qaranka ah.

Hadii sida Madaxweyne Farmaajo qorshihiisu yahay suurta gasho in Laga qaado Xilka Wasiir kuxigeenka Arimaha Dibada Soomaaliya waxa laga yaabaa baa la yiri in booskaasi uu helo Siyaad Maxamuud Shire oo ku Heyb ah Madaxweynaha Dalka.

Murankii ka dhashay isku daygaasi Wasiir Daa’uud Todobaadkaan lagu xiri rabay waxa uu gaaray meel sare taas oo la sheegay in Xaalku uu noqday mid Jubbaland ay diido sida wax loo maleegayo.

Axmed Madoobe ayaa Dawlada Soomaaliya ku Eedeeyey sharaf dil lagu sameeyey Shaafi Raabi Kaahin oo isagu Garoonka Diyaaradaha Xamar lagu xiray saacado kooban Isbuuc ka hor lana qash qashaaday waloow lasoo dhaafay.

Hadda Siyaasada Dawlada dhexe iyo mida Dawlad Gobolleedka Jubbaland waxa lasoo sheegayaa in ay ka dhex tafan tahay mana jirto cid saxaafada kala wadaagtay Murankaasi jira.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads