Cali Gacal Casir Oo Afka Furtay Si La Fileyna Uga Hadlay Xilka Qaadistiisii Maanta

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Ee Maanta Xildhibaanada Qaar ay sheegeen in Codka Kalsoonida kala noqdeen ayaa ka hadlay Wixii maanta ka dhacay Dh/mareeb.

Wareysi uu bixiyey waxa uu sheegay inaysan dhag jalaq usiineyn Xildhibaano u ekayaal la isku uruuriyey shirkaasna uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Waxa uu ka hor yimid mooshinka iyo Codka Kalsoonida lagala noqday isagoo carab dhabay in Beesha Caalamka ay ugu baaqayaan waxa socda inay kasoo hadlaan.

Cali Gacal Casir oo umuuqday in hadda uu garwaaqsaday Eedeyntii loo jeediyey ayaa kusii socda Magaalada Cadaado isagoo muddo Seddex bil ah kusugnaa Muqdisho.

Waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal lagu dhameeyo Xiisada Siyaasadeed Ee Galmudug Madaxdeeda kala dhaxeysa lana bad baadiyo Aayaha Maamulka sida uu yiri.

1 October sanadkii hore ayaa sidaan oo kale waxa Xildhibaano shiray ay Xilkii kaga qaaday Cali Gacal Casir balse waa socon weysay Codka kalsooni kala noqoshadaasi.

Lama oga in tii oo kale ay noqon doonto iyo in kale waxaana Abaabul uu ka bilaaban doonaa Cadaado lagu mucaaradayo Xildhibaanada Dhuuso mareeb Go’aankoodii maanta Xilkii kaga qaadeen Cali Gacal Casir.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com