Ciidamada Kenya Oo Dilay 2 Wiil Oo Walaalo Ah//Macalin Dugsi Qur’aan & Waalidiin Ilmeenaya

Ciidamo Katirsan Dawlada Kenya Ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa waxay Dil fool xun ka geysteen Gobolka Gedo kuwaas oo aad loo hadal hayo.

Dilka ayaa ka dhacay Dhinaca Ceel Waaq Kenya Xoogga ku heysato,waxaana deegaanka Daba Siti la yiraahdo lagu dilay macalin Dugsi Qur’aan iyo ardaydiisa Qaar.

Markii hore ciidamada waxay jir dil xoog leh ku sameeyeen Macalinka ka hor inta aysan Rasaas ku shanaqin goobtana uu ku geeriyoon.

Marxuumka la dilay Ee Macalinka Dugsi qur’aanka ayaa lagu magacaabi jiray Sadaam Macalin Aweyd,iyadoo Sidoo kale la dilay Labo Wiil oo Walaalo Ah.

Labada wiil ee la dilay Ayaa waxa lagu kala magacaabi jiray Cali Ibraahim Xasan iyo Siyaad Ibraahim Xasan taas oo dadka ay ka argagaxeen.

Lama sheegi karo sababta ciidamadu ay udileen Raggaan,waxaase Askarta Kenyaatiga ay ku Eedeeyeen inay katirsanaayeen Ururka Al Shabaab.

Meydka Seddexda Qof ayaa waxa loo soo qaaday Ceel Waaq Soomaaliya waxaana ilaa hadda ka hadlin Maamulka Gobolka Gedo Dhacdadaasi Foosha xun ay Ciidamada Kenyaanku geysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here