Daawo: C.wali Gaas oo Noqday Mas’uul aan ismaqal afkiisa iyo dhagahiisa…

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali gaas ayaa horay u balan qaaday inuu la shaqayn doono madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdiilaahi Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

” Runtii Madaxwayne Farmaajo Waa nin wanaagsan, oo Soomaali Wanaagsan Gaadhsiin kara, oo Isbadal dhab ah uu dhici doono, Waxaa la rabaa in la taageero, waxaa la rabaa in lala shaqeeyo oo lugaha lagu dhegin, Hadii la mashquuliyo Muxuu qaban karaa, Kadibna waa la eedaynayaa, Eedaya markaas anaga ayaa leh “

Dadka Puntland anaga waxaa naga balan ah inaan kula shaqayno intaan halkaa joogto, Wanaaga aad Qabato ayaa Soomaali oo dhan deeqa “ Ayuu yidhi Gaaas.

Balse maanta Arintu sidaas way ka duwan tahay oo Wuxuu shirkii kismaayo kasoo saaray inay Wadashaqayntii u Jareen Dawladdii dhexe, Shalay haduu yidhi Lugaha yaan la qaban, Maanta Sow Gafuurka ma haysto Isagu ” Mudane Gaas dib isu dhegayso.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com