Deg deg: Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug oo xilka laga qaaday

Baarlamaanka Galmudug ee ku shirsan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay goor dhow xilka ka qaadeen guddoomiye Cali Gacal Casir, sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeenka koowaad Xareed Cali Xareed oo shirka guddoominayay.

146 Xildhibaan ayaa la soo sheegayaa iney “Haa” ugu codeeyeen mooshinka, halka hal Xildhibaanna uu ka amausay.

Xareed Cali Xareed ayaa ugu danbeyn ku dhawaaqay in mooshinka Ansax yahay, Xilkana si rasmi ah looga qaaday Cali gacal Casir.

Si Kastaba, Arintan waxey cirka sii galineysaa khilaafka u dhexeeya Hogaanka sare ee Galmudug taasoo soo jiitamayay tan iyo markii heshiiska lala soo galay Ahlu-Suna, xubno kuwooda ahna lagu soo daray Baarlamaanka.

la soco wixii kusoo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here