Dhageyso: 5-qof oo Toogasho lagu dilay & Kooxda Shabaab oo…

Ciidamada Booliiska Jubbaland ayaa wada raadinaya rag hubeysan oo la sheegay in deegaanka Buulo-gaduud ee gobolka Jubbada Hoose ku dileen ku dhowaad Shan nin oo ka shaqeynayey shidista dhuxusha.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

C/fitaax Axmed Aadan, taliyaha saldhigga Booliiska ee Buula-gaduud ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo ballaaran.

Wuxuu sheegay in ragga falkaasi ka dambeeyey ay uga shakisan yihiin iney ka tirsan yihiin Al-shabaab balse ay dib ka baari doonaan.

Lama oga cidda ka dambeysay raggan ka shaqeynayey dhuxusha iyo sidoo kale sababta loo diley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here