Dhageyso: Deegaanada Somaliland oo laga saarayo Dadka Ajinabiga ah….

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Qoyska Soomaaliland Marwo Hinda Gaani ayaa waxay si cod dheer ah ku sheegtay inay isbadel ku keeni doonaan Qaabka Shaqaaleynta Shirkadaha iyo Hay’adaha Ka howlgala Jamhuuriyada Aan Aqoonsiga Helin Ee Soomaaliland.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Marwo Hinda waxay sheegtay inay Ajaanibta ka saarayaan Deegaanadooda si fursad loo siiyo Shaqada ay qaban karaan dadka wax bartay Ee Shaqo la’aanta ku ah S/Land.

Hadii ay dhaqan gasho Ballan qaadka Wasaarada ay sameysay waxaa suurta gal ah inay yaraato Shaqo la’aanta laga cabanayey Deegaanada uu ka arimiyo Soomaaliland.

Dhawaan waxaa Madaxweynaha S/Land Muuse Biixi Cabdi uu Hargeysa ka furay shir loogu magac daray Todobaadka Shaqo Abuurka,kaas oo qodobadii laga soo saaray ay ku jireen in Ajaanibta Shaqooyinka hoose ka haya Soomaaliland laga saarayo oo Muwaadiniinta shaqo la’aanta ah lagu badelayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here