DHAGEYSO: Hooyada Dhashay Guddoomiyaha D/Xamarweyne oo Shiqrool ku sheegtay Kiiska lagu xiray Wiilkeeda

Hooyada dhashay guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Jeeg oo dhawaan shaqo joojin lagu sameeyay ayaa sheegtay in wiilkeeda la shirqoolay.

Waxa ay shaqo joojinta iyo xerista wiilkeeda ku eedeysay Xisaabiyaha guud ee dowladda

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayay ugu baaqday inuu soo fara geliyo arrintaan kana shaqeeyo sidii wiilkeeda loo soo deyn lahaa maadaama sida ay sheegtay uu ku xiran yahay cadaalad daro.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in wiilkeeda Cumar Shariif Jeeg inuu yahay mid aan runta ka gaban, sidoo kalena uu diiday inuu saxiixo warqado uu usoo diray Xisaabiyaha guud ee dowladda.

5-ta bishaan September ayaa shaqo joojin iyo xiris lagu sameeyay guddoomiyaha degmada Xamar weyne Cumar Shariif Jeeg ka dib warqad ka soo baxday xafiiska Xuseen Maxamed Nuur oo xilligaas ahaa kusimaha guddoomiyaha gobolka banaadir.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com