DHAGEYSO: MD Mustafa Cagjar Oo Af Amxaariga Ku Jeediyey Qorshihiisa Cusub Ee Deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Maxamed Cumar (Cagjar) ayaa waxa uu ka hadlay Qorshaha uu damacsan yahay inuu deegaanka ku maamulo.

Munaasabad loogu dabaal degayey Sanadka Cusub Ee Dalka Itoobiya oo haatan loo gudbay 2011-ka ayaa waxa uu Madaxweyne Cagjar ballan qaaday in Isfahan siyaasadeed,Wada noolaanshiyo Qowmiyadaha kala duwan ah iyo Xilkasnimo uu ku shaqeyn doono.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxa uu Khudbadiisa oo Af Amxaari aheyd Madaxweyne Mustafa Cagjar shaaca ka dhigay in Maamulkiisa uu wada tashi la sameyn doono Golaha Xisbiga islamarkaana uusan noqon doonin mid keligii taliye ah.

Boqolaal Qof oo Xafladaasi kusugnaa waxay sacab tumeen markii uu hadalkaas jeedinayey Madaxweynaha Gobolka Soomaalida kaas oo siyaasad fur furan la yimid inta uu xilka hayo.

Madaxweynihii Deegaanka soo xukumayey Sanadaha Badan Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadda xabsi ugu jira Dawlada Federaalka Itoobiya islamarkaana xanuun isagoo ah dhowr mar Maxkamad kasoo muuqday kaas oo lagu Eedeeyey tacadiyo ka baxsan Bini’aadanimada uu sameeyey mudadii DDSI uu maamulayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here