DHAGEYSO: Qarax Lala Damacsanaa Suuqa Bakaaraha Oo Gacnata Lagu Dhigay

Ciidamada Miino baarista Dawlada Uqaabilsan ayaa ku guuleystay maanta inay gacanta ku dhigaan Qarax Miino ah oo aan qarxin.

Qaraxaas ayaa la geliyey Meel ka mid ah Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya,Boqolaal Qofna ay Udukaameysi tegaan.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Shacabka Degmada H/wadaag ayaa soo gudbiyey Xogta Qaraxaan oo meel lagu aasay la arkay,taas oo keentay in Maamulka Degmada Wacaan Miino baarista sidaana lagu fashiliyey Qaraxaasi.

Ciidamada Booliska qeybtooda Miinooyinka qaabilsan ayaa qarxiyey Miinada iyadoo aan wax khasaaro ah geysanin.

Gudoomiyaha Degmada H/wadaag C/kiriin Cali Kaar waxa uu sheegay in alle ka bad baadiyey Dhagar lala doonayey Shacab Masaakiin Ah,ayna Todobaadkii 2aad Shabaab Dhib ka geysan rabeen sida uu yiri Degmadaasi oo Isbuuc ka hor Ismiidaamin ku weerareen Xarunta Degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here