DHAGEYSO: Shariif Xasan Oo Afka Furtay Markuu Maanta Ku laabtay Baydhabo&xogo cusub shacabkiisa Usheegay

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka K/Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay.

Shariifka ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Shaati Guduud Ee Baydhabo kadibna uu la hadlay Saxaafada soo dhaweyn kadib.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Madaxweyne Shariif Xasan waxa uu sheegay in guul uu ugu soo dhamaaday Shirkii Shanta cisho qaatay Ee Kismaayo Golaha Iskaashiga Dawlad Gobolleedyada ku yeesheen.

Waxa uu ka waramay sababta ay u hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay Dawlada Dhexe isagoo sheegay inay taasi timid sida uu yiri markii ay Dawlada Federaalka ka waayeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen.

Shariifka ayaa ka jawaabay Su’aal la weydiiyey oo aheyd Xisaab celinta Wasaarada Maaliyada ay ka dalbatay Dawlad Gobolleedyada,isagoo sheegay in Baraha Bulshada ay iyaguna ugu jawaabi doonaan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com