Dhageyso: Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo maanta sheegay Hadal uu xilka ku weyn karo..

Waxaa maanta shir uu ka furmay Magaalada Muqdisho taas oo ay Wasaarada Arimaha Gudaha soo qaban qaabisey.

Ujeedka Shirkani waxa uu yahay sidii loo sii xoojin lahaa Nabadeynta Magaalada Gaalkacyo oo muddo Sanado ah Colaad ay ka jirtay.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa waxa uu sheegay in Dawlada Federaalku aysan Daacad ka aheyn Nabad ka dhalato Gaalkacyo.

Hadalka Wasiir Sabriye ayaa Saameyn badan reebi kara,ayna soo dedajin karto in xilka uu waayo,xilli la lahaa maalmihii dambe Wasiir Sabriye Cago badan kuma taagna inuu Xilkaasi sii heyn doono.

Wasiirka oo sii hadlayey waxa uu sheegay in Dad ku filan Gaalkacyo Nabadeynteeda ay heysato balse gacan bidixeyn ay jirto loo baahan yahay in la iska qabto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here