Dhageyso: Xaruun Hogaamiyeyaal Shabaab Ah Ku Shirayeen Oo Maanta La Duqeeyey..

Deegaanada dhaca Gobolka Jubbada Hoose oo Degmada Badhaadhe Hoos yimaada ayaa la sheegayaa in maanta barqadii la duqeeyey.

Waxaa adag in la helo xog faah faahsan khasaaraha ka dhashay Duqeyntaas oo lala bartilmaameedsaday Bar ay kusugnaayeen Hogaamiyeyaal katirsan Ururka Al Shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Wadajir iyo deegaano kale ayaa la xaqiijiyey in gantaalada lala dhacay oo Al Shabaab ay maamulaan.

Korneel Muxuyadiin Hilowle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Ee kusugan Gobolka J/Hoose ayaa sheegay in khasaaro xoogan uu gaaray Shabaabka.

Waxaan Weli war laga heyn dhinaca Al Shabaab oo ay kaga hadlayaan Duqeymaha Saldhigyada ay leeyihiin lagu garaacay Maanta oo Isniin ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com