Dhageyso:-Xildhibaano Sheegay In Siyaasiyiin Ka Tegay Muqdisho Qalalaaso Ka Wadaan Deegaanada Galmudug

Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka taagan xiisado siyaasadeed oo sababtay in xildhibaano ku shirey Dhuusamareeb ay xilkii ka qaadaan Guddooomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Hayeeshee Xildhiban Cabdi Xasan Cilmi oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in Siyaasiyiin ka tegay Magalada Muqdisho ay qalalaaso siyaasadeed ka wadaan deegaanada Galmudug.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Mid ka mid ah xildhibaanada Galmudug  ayaa  sheegay in markii hore Siyaayiin soo gaaray deegaanada Galmudug ay u sheegeen inay yihiin xal raadis balse markii dambe ay bilaabeen inay sii ballaariyaan khilaafkii jiray.

Waxa uu sheegay inay iyaga u arkayaan in siyaasiyiintaas qorshihii ay wadeen Magalada Muqdisho laga fashiliyey,isla markaana ay dib ugu soo laabteen.

Tan iyo markii Hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada ay sheegeen inay xiriirkii u jareen Dowladda Federaalka soomaaliya ayaa waxaa ku bilaawday cadaadis siyaasadeed Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com