DHAGEYSO:Eng, Yariisoow Oo Kashifay Naqshada Cusub Al Shabaab Lasoo Baxeen

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa waxa uu ka hadlay Naqshada Cusub Ee Shabaab Soo kordhiyeen.

Yariisoow waxa uu ka hadlay Weerarada Shabaab waayahaan usoo weeciyeen Degmooyinka G/Banaadir Xarumaha ay ku shaqeeyaan.

 

Waxa uu ku micneeyey inay diidan yihiin dedajinta Adeegyada Bulshada oo si xowli ah uga socday Xarumaha Degmooyinka Muqdisho ayna Hormarka kasoo horjeedaan sida uu ku Eedeeyey Shabaab.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Hadalkaan ayuu Maanta ka dhawaajiyey Gudoomiye Yariisoow xilli Olole Nadaafadeed laga sameenayey Xarunta Degmada Hodan oo shalay Gaari Ismiidaamiye waday lagu weeraray.

Kudhawaad 10 Qof ayaa ku dhintay Weerarkaasi waxaana ku dhaawacmay 20 kale dad kabadan,iyadoo Durba dhisme lagu bilaabay Xarunta la begsaday.

Al Shabaab waxay sheegeen inay halkaasi ku laayeen Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada Hodan,iyadoo Shacab ay ku jiraan sida dadka deegaanku xaqiijiyeen dadka Qaraxaasi ku le’day kuna dhaawacmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here