DHAGEYSO:Wararkii ugu danbeeyay ciidamo ajaaniib ah iyo kuwa Soomaali ah oo weeraray gurigii madaxweynihii hore Soomaaliya

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saraakiil shisheeye oo wehliyay ayaa weerar ku qaaday subaxii hore ee arbacadii guri uu lahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u raxmadee Aaden Cabdulle Cismaan, oo ku yaalla magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa guriga ka ka xeystay seddex wiil oo ka mid ahaa ehelka madaxweyne Aaden Cabdulle.

Cismaan Caddow oo ah hooyada dhashay laba ka mid ah wiilasha la xirey iyo Sucaad Cabdullaahi Xaaji, oo wiilasha la xirey ay walaalo yihiin ayaa sheegay in ciidanka ay ahaayeen sided askari oo isugu jira Soomaaliya iyo caddaan.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Waxay sheegeen in ciidanka ay diyaarad uga soo dageen meel u dhow beerta Aadan Cadde, oo guriga uu ku dhex-yaallo, kadibna ay guriga soo galeen, ayaga oo khasaare burbur u gaystay.

Ciidamada weerarka soo qaaday ayaa guriga kala baxay boorso xiran, oo la sheegay inuu lahaa allaha u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde. Boorsada ayaa qoyska ay sheegeen inay iyaga xitaa aqoon waxa ku dhex jira.

Waxa ay sidoo kale shaaca ka qaadeen in la weydiiyey amiiro Al-Shabaab ah, oo ay sheegeen in ciidamada weerarka soo qaaday ay ku tuhmayeen guriga ay weerarka soo qaadeen.

Saddexda wiil ee ciidamada ay wateen ayaan la ogeyn illaa iyo hadda meesha ay la aadeen ciidamada. Qoyska ayaa sheegay inay warar aysan hubin ku maqleyn in wiilasha lagu hayo Villa Somalia.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com