Maxay tahay Sababta ku qasbeysa Dowlada dhexe inay si deg deg ah ula Heshiiso Maamul Gobaledyada?

Waxaa cirka isku sii shariiray khilaafka  ka dhaxeeyo Maamul Goboleedyada iyo dowladda Dhexe kaasoo ku saabsan Awoodaha Dastuuriga iyo sida loo fasirayo.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa dhawaan Magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay inay joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Dhexe maadaama ay ku eedeeyeen inay fulin weysay dhawr heshiis oo la wada galay.

Sidoo kalana waxay ku eedeeyeen inay faragelin ku heyso maamul Goboleedyada isla markaasna ay dowladda dhexe wado mooshino iyo olole ka dhan ah madaxda hadda talada u heyso Maamul Goboleedyada.

Waxaa jirto hal arrin oo khasab ka dhageyso inay Dowladda Dhexe si deg deg ah ula heshiiso Madaxda Maamul Goboleedyada taasoo ah Shir ka dhacayo Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan u duulayo dalka Mareykanka  si uu uga qeybgalo Shirka Qaramada Midoobay uga furmayo halkaas.

Madaxweynaha ayaa halkaas ka jeedin doono khudbad ku saabsan xaaladda Soomaaliya guud ahaan waxaan qasab ah inuu halkaas tago isagoo heshiis la ah Maamul Goboleedyada.

Dowladda Dhexe ayaa ku dadaaleyso sidii loo xalin lahaa Khilaafkaas ka hor inta la gaarin waqtiga shirkaas oo furmayo 18 Bishaan September, wuxuuna shirka socon doonaa 1-da Bisha October.

Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku xisaabtamayo muhiimadda uu shirkaas u leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadiyey go’aankooda ah inay xiriirka u jareyn maadaama ay dowladda kala kulmeyn culeys badan oo dhanka kuraastooda ku aadan.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa noqon doonto mid aan sidaas usii xiiso badneyn haddii uu tago isagoo aan heshiis la aheyn Maamul Goboleedyada oo gacanta ku hayo inta badan Dalka marka laga soo tago meelaha ay Al-Shabaab gacanta ku heyso.

Aqalka Sare ayaa Maanta ku dhawaaqay guddi dhex dhexaadin ah oo ka shaqeyn doono sidii khilaafkaas loo xalin lahaa waxayna safaro ku tagi doonaan dhammaan Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

W/Q: Maxamuud Cabdi Calasow

Balcad, Shabellaha Dhexe

Afeef Qoraalkan wuxuu u gaar yahay shaqsiga ku saxiixan kamana tarjumaayo aragtida Badweyn


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com