Muqdisho: “Al-Shabab oo cagta marisay laba saldhig oo ciidamada DF leeyihiin”

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay inay cagta marisay laba saldhig oo ay lahayeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegeyn labadaas saldhig kadib dagaal culus oo halkaas ka dhacay Xalay.

Labada saldhig ee la weeraray waxay ku yaallaan degaanka Suuqa xoolaha  ee degmada Huriwaa gaar ahaa Cali Ganey iyo Biyo degeenka halka loo yaqaan.

Idaacadda Shabaab ee  Andalus ayaa faafisay in weerarkaas ay Shabaab ku dileyn askar badan oo ka tirsan ciidamada dowladda isla markaasna ay halkaas ka qaateen saanado hub ah.

Dad ku sugan xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa warbaahinta u sheegay in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen hugunka rasaas iyo madaafiic labada dhinac is dhaafsanayeen.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka oo  ku aaddan dhacdadan, waxayna wararkii ugu dambeeyey ee halkaas laga helayo sheegayaan in ciidamada dowladda ay kusoo laabteen meelihii ay horey u joogeyn.

Ilaa hadda lama hayo illo wareedyo ka madax banana Al-Shabaab oo ku aadan sheegashadooda ah inay cagta mariyeen saldhigyadaas isla markaasna ay dileyn ciidamo badan oo ka tirsan AL-Shabaab.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com