Sargaal Katirsan Meliteriga Oo Galabta Sababsaday Gacantiisa Kuna Dhintay Jowhar

Wararka inaga soo gaaraya Deegaan udhaw Garoonka Diyaaradaha Jowhar ayaa xaqiijinaya in galabta uu halkaasi ku dhintay Sargaal Caan ka ahaa Sh/Dhexe oo katirsanaa Meliteriga Soomaaliya.

Sargaalkani waxa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Jareere,waxaana uu ahaa Taliyaha Ciidamada Xoogga Ee kusugan Aagga Deegaanka Buurane oo Jowhar iyo Mahadaay udhaxeeya.

Gaari C/bile ah ayuu si xawaare ah uwaday Sargaalkani oo keentay inuu rogmado islamarkaana uu dhintay Mukhtaar Jareere iyadoo Afar kamid ahaa Ilaaladiisa ay dhaawacmeen.

Marxuumka dhintay ayaa waxa uu ka baxay Jowhar Casirkii isagoo kusii socday Deegaanka Buurane,waxaana uu Bilo ka hor ku dhaawacmay weerar Al Shabaab ku dili rabeen oo ka dhacay wadada udhaxeysa Jowhar ilaa Balcad,Askar badana looga dilay.

Mukhtaar Jareere ayaa dadka yaqaanay waxay sheegaan inuu ahaa nin ad adag oo ciidamada Shaqadiisa ku fiican,askarta canaan iyo cunto iskugu dari jiray kana warqabi jiray.

Warar kale ayaa sheegaya in Marxuumkani uu mudooyinkii dambe la kulmay Hanjabaadyo culus oo Al Shabaab usoo diri jireen,isna uu ka dhego fureysanayey.

Meydka Sargaalkani waxa loo soo qaaday Jowhar oo Caawa uu ku baryi doono berrina la qorsheenayo in la xabaalo,Carruur iyo Xaas ayuu ka tegay oo Magaalada Jowhar udeggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here