Sawir Saameyn badan Reebay Oo Malaayiin Qof Hadal Heyso & Geeleey Caano Wada Cabay

Masawir lagu faafiyey Baraha Internet-ka Sida Twitter-ka ayaa saameyn badan reebay iyo Fal celin dad malaayiin ah ay kasoo aragti dhiibteen.

Iyadoo Si Rasmi ah loogu furay Xadka Labada Waddan Itoobiya iyo Ereteria ayaa waxa yadadiilo fiican ay gelisey Malaayiinta Labada Waddan deggan.

Shucuubta ayaa dib ubilaabaya isku gudubka Labada Dal maadaama Colaad Xun ay dhexmartay ay kala go’een wax badana ay Ciidankooda dhufeysyo iskugu jireen Xaduuda.

Labo Nin oo Geeleey Ah oo Ereteria iyo Itoobiya kasoo kala jeeda ayaa isku gudbay oo kadib Caano wada Cabay,taas oo Badeshay Quluubta Dad badan ayna muujiyeen in Wax walbo oo dhaca laga heshiin karo.

R/wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed waxa lagu Amaanay doorkiisa fiican Ee Xal Nabadeed uu la yimid iyo Siyaasada fur furan uu Itoobiya ka dhigay mid Keligii teliyenimadii ka saaray.

Dalka Ereteria ayaa ka go’ay Dalka Itoobiya Dadkiisa ayaa sanadkii 2016 waxa Bankiga Adduunka ku sheegeen tiro ahaan inay gaarayaan Shan Milyan Qofood kudhawaad.

Sidaas si la mid ah Dalka Itoobiya ayaa dadkiisa waxa 2016 lagu sheegay Boqol iyo Labo Milyan Qof inay yihiin iyadoo Tirada inay ka badan karto laga yaabo inay hoos udhacday Tarmida qofeed Dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here