SAWIRO: Dhaq-dhaqaaqa Muqdisho oo R.W Kheyre u xayirnaa saacado badan & Tilaabada uu qaaday…

Dhaqdhaqaaqa Magaalada Muqdisho ayaa saacado badan u xayirnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kadib markii la sheegay inuu booqasho ku tagay ْXarunta Wasaaradda Qorsheynta ee dowladda Soomaaliya.

Ciidamo aad u badan ayaa lagu soo daadiyey jidka Makka Al-Mukarama, waxaana gabi ahaanba la xiray jidkaas oo loo diiday inay isticmaalaan Gawaarida.

Dadweynaha Muqdisho qeybahooda kala duwan ayaa ku xayirmay xaafadaha iyo meelaha Ganacsiga kadib markii loo diiday inay jidka Makka AL-Mukarama isticmaalaan.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhiska iyo dayactirka dhismaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dib loo dhiso Hay’addaha kala duwan ee dowladda ,kuwaasoo ku burburiyay dagaalladii Sookeeye.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Qaar ka mid ah dalalka Caalamka ay ka taageeri doonaan sidii dib loogu dhisi lahaa xarunta Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here