SHABAAB oo war kasoo saaray Qarax weyn oo la eegteyn Ciidamada kenya…

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax khasaare geystay oo ciidamo ka tirsan Kenya lagula eegtay gobolka Jubbada Hoose , gaar ahaan degaanka Taabto oo ku yaalla duleedka degmada Dhoobley.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidanka Kenya qarax uu qabsaday qaraxa, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Ciidamadan la weeraray ayaa la sheegay in ay wadeen howlo roondo ah xilligii qaraxa lala beegsanayay, iyadoo ku dhawaad 10 qaqiiqo ay rasaas ridayeen ciidanka Kenya, sida ay ku warameen goobjoogayaal.

Shabaab war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, kadib markii gaari ay saarnaayeen qabsatay miino dhulka lagu aasay.

Saraakiisha laamaha ammaanka Kenya ayaa sheegay inuu jiro khasaare ciidankooda ka soo gaaray qaraxa, balse hada aanay xaqiijin karin, iyaga oo sidoo kale sheegay in Al Shabaab awoodooda ay ku koobmatay inay miinooyin ku xiraan wadooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here