XOG: Xasan Sheekh oo Lacag ka badan Rubac Milyan Doolar ka helay Xukuumadda Somalia…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu lacag ka badan Rubuc Milyan Doolar ka helay dowladda Soomaaliya oo ah lacag loo qoondeeyay.

Lacagtan ayaa la sheegay inay tahay xuquuqdii mushaar iyo gunno ee Baarlamaanka Federaalka iyo Golaha Wasiirada u ansixiyen, isagoo dalbaday in la siiyo markii uu Muqdisho ku soo laabtay, waxayna Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya ka gacanta u gelisay jeeg ay ku qoran tahay lacag dhan $300,000 (Saddex boqol kun Doolar).

Xildhibaan Xasan Sheekh ayaa dalka ka maqnaa muddo gaareysa 18 bilood, xilligaas oo aanu xaadirin hal fadhi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka, wax shaqo ahna u heynin dowladda Somalia, waqtigiisa intiisa badanna ku qaatay dalka Turkiga.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa u ansixiyey madaxweynihii hore Xasan Sheekh lacag dhan 40-kun oo dooalr bishii, waana ka badan baahidiisa oo uu ku geli karo ololeyaal siyaasadeed oo halis ku ah dowladda uu ka tirsan yahay, isagoo diyaarinaya xilligan sidii uu hoggaamiye ugu noqon lahaa isbaheysi ka kooban dhowr xisbi.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ads

WP Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com