Daraasad: Beeshee ayey ku tiirsan tahay kooxda Daacsih ee deegaanada Puntland?

Warbixin uu daabacay machadka daarsaadda amniga ee Hiraal Institute ayaa shaaca ka qaadday beesha taageerta oo ay ku tiirsan tahay kooxda Daacish ee deegaanada Puntland.

Warbixinta ayaa tiri, Sida inta badan dhacda, koox walba oo siyaasadeed kana jirta Soomaaliya. nasiibka DAACISH waxa uu ku tiirsanaan doonaa qaab dhaqankooda, xiriirka ay la leeyihiin qabaa’ilka iyo qabiilada ku nool dhulka ay ka hawl galayaan.

Hoggaamiyaha Daacish, Sheekh Cabdul Qaadir Muumin waxa uu ka soo jeedaa Cali Saleebaan, oo ah jufo hoosaad Majeerteen ah, oo iyaduba ah jifo hoose oo Daarood ah. Cali Saleebaan waxa ay ku badan yihiin Gobolka Bari ee Puntland, mana ah wax lala yaabo in halkaas uu saldhigtay Muumin. Markii hore waxa uu joogay Galbeedka fog iyo buuraha Golis, laakiin November 2015, xubnaha Al-Shabaab ee Waqooyi Bari ee daacadda u ahaa Al-Qaacida wey ka goosteen taas oo keentay in taageereyaashiisa ay soo aadaan Isku Shuban oo ah dhul aan Bacrimis fiican lahayn, balse soo dhaweyn  wacan kana tirsan Bari.

Saraakiisha ammaanka ee Puntland oo ka hadlay arrintan bishii Maajo 2018, waxa ay sheegeen in ay guluf ka dhan ah isaga ay qorsheeyeen, balse gebi’ahaanba Cali Saleebaanka uu ka dhashay Muumin ay taageereen DAACISH iyo Muumin.

Garsoore sare oo Puntland ah ayaa isna hadlay bishii Maajo 2018, wuxuuna sheegay in boqolkiiba 70 dadka beesha Cali Saleebaan ay garab istaageen DAACISH. Kala bar dadkaas daacadnimada qabiilka ayaa ku sababtay halka kala barka kalena cabsi ay ka qabaan in la dilo. Dagaal yahanadda ay qortay DAACISH waxa ay u galeen lacag, awood iyo ka aargudasho qabaa’ilada kale, ama waxa ayba aaminsanaayeen boroobagaandada.

Haddii la qiimeeyo awoodda DAACISH, Muumin waxa ay haysan karaa 300 oo dagaalyahanno (Gobolka Bari) gaar ahaan Qandala, Caluula iyo Iskushuban. Sidoo kale waxa ay taageereyaal ka haystaa degmooyinka kale ee Bari sida Boosaaso, Qardho iyo Bandar Bayla.

Hase ahaatee, mas’uuliyiinta Puntland waxa ay aaminsan yihiin in Daacish ay kaliya ku sii jiri karto taageerada dadka deegaanka, rabitaanka dadka deegaanka ee ah in ay cunto ka iibiyaan, waardiyeeyaan ama xataa madaxdooda noqdaan. Marka ay taageeradaas dhammaato, kooxda wey dhiman doontaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here