DHAGEYSO: Soomaaliland Oo Weerar Ah Ku Qaaday Dawlada Madaxweyne Farmaajo & Waxa Soo Kordhay

Hogaamiyaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ku Eedeeyey Dawlada Federaalka Soomaaliya inay diidan tahay Hormarka Soomaaliland ku tallaabsaneyso.

Waxa uu sheegay Mr Biixi in ay Soomaaliya Cadaawad gaar ah la galeyso Maamulkooda sidaa awgeedna ay ku talinayaan in wax badan la isku fahmo.

Soomaaliland waxay mar kale ku celisey inay diyaar utahay Wada hadal ay la gasho Soomaaliya balse aysan ogoleyn in lagu xad gudbo Jiritaanka Jamhuuriyada ay yihiin.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Hadalka Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu maanta ka jeediyey Munaasabad ka dhacday Magaalada Hargeysa Ee Caasimada Soomaliland oo Daah furka Heshiiska DP World Ee Dekada Ber bera lagu soo bandhigayey.

Sikastaba Soomaaliland waxay wajaheysaa culeys ah inaysan weli helin Ictiraaf ama Aqoonsi Caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here