TOP NEWS DHAGEYSO: Soomaaliland Oo Heshiiskii DP World Maanta Ku Gaartay Go’aan Ah Inay…

Munaasabadani oo aheyd mid Ballaaran ayna ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socday Dawlada Isku Taga Imaaraat-ka Carabta iyo Madaxda Soomaaliland ayaa waxay ka dhacday Magaalada Hargeysa Ee Caasimada Soomaaliland.

Ujeedka Xaflada waxay aheyd mid lagu daah furay Heshiiska Hay’ada DP World iyo Soomaaliland ay kol hore wada galeen,eek u aadan Dhinaca Dekada Ber bera.

Khudbado kala duwan ayaa waxay ka jeediyeen Mas’uuliyiinta Munaasabadaasi,iyadoo diirada lagu saaray Ahmiyada ay u leedahay Labada Dhinac Heshiiskaasi.

HALKAAN KADHAGEYSO CODKA WARKAAN

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kaga mahad celiyey Hogaamiyeyaasha Imaaraat-ka Carabta sida geesinimada leh ay ugu adkeysteen inay caawiyaan Soomaaliland ayna Hormariyaan Dekada Ber bera.

Biixi ayaa waxa uu sheegay in ay Farxad u arkayaan Heshiiskaan maanta la daah furay,islamarkaana ay ku faraxsan yihiin isbadelka ku dhacay Waddamada Gobolka.

Sikastaba ha’ahaatee 5 September 2016 ayaa heshiiska la galay Dekada Ber bera iyadoo si rasmi ah maanta loo daaf huray,iyadoo Wasiirka arimaha Dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire iyo Wakiilka Hay’ada DP World Suldaan Bin Sulaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here