Xogo kasoo baxaaya Weerar lagu qaday Hooy uu ka socday Ololaha doorashada Koofur galbeed

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka KG ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay weerar lagu qaaday Hooy ay degneed Haweeney u shaqeyneysay maamulka.

Weerarka oo ahaa mid qalqal galiyay dadka deegaanka ayaa waxaa fuliyay Koox hubeysan kadib markii ay Bam gacmeedyo ku weerareen Hooy ay magaalada Baydhabo ka degan tahay guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Baay oo magaceeda lagu soo koobay Muraayo.

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof, kuwaasi oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Baydhabo.

Haweeneyda la weeraray ayaa waxaa la sheegay in ay badqabto, ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Galbeed ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan aanay jirin cid lagu soo qabtay.

Weerarka Bam kadib ayaa waxa ay dadka deegaanka sheegen in la maqlaayay rasaas xoogan, waxaana Qaraxa ka dhashay khasaaro.

Weerarka Bamka ayaa dadka deegaanka u muujiyay amni daro kusii kordheysa magaalada Baydhabo iyada lagu guda jiro abaabulka iyo diyaar garowga ku aadan doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 17-ka November ee sanadkan.

Haweeneyda la weeraray ayaa la sheegay inay u ololeyneysay musharax la tartamaaya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo dadka deriska la ah ay sheegen in maalmahaani ay marti galineysay Xildhibaanada Haweenka ah ee ku jira BMKG.

Magaalada Baydbao ayaa waxaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato xaalada siyaasadeed ee ka taagan magaaladaasi, maadaama doorashada ay ku loolamayaan dhinacyo awoodooda ay ka muuqato degaanada Koonfur Galbeed oo kala ah madaxweyne Shariif Xasan oo doonaya inuu ku soo laabto hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Sheekh Muqtar Roobow oo wata saameyntiisa siyaasadeed iyo mida amni.

Dhinaca kale, Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku wada sugan ciidamo kala duwan oo qaarkood ay wataan musharaxiin uu ka mid yahay Sheekh Muqtaar Roobow oo horey uga soo goostay Ururka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here