Daraasad sheegtay in haweenka aroortii kaca ay khatar yar ugu jiraan kansarka naasaha

Haweenka saacadda jirkooda ay la micno tahay inay yihiin “dadka subixii” ayaa khatar yar ugu jira inuu ku dhaco kansarka naasaha, sida ay sheegeen baarayaal UK u dhashay.

Baarayaasha oo ka tirsan Jaamacadda Bristol ayaa sheegay in sababta arrintaasi keentay ay weli u baahan tahay in shaaca laga qaado.

Waxay intaas ku dareen in daraasaddan ay muhiim tahay iyadoo laga yaabo inay saameyso haweeney walba.

Khubarrada ayaa sheegay in daraasadda oo lagu soo bandhigay Shirka NCRI ee Kansarka ee magaalada Glasgow, ay faham wanaagsan ka bixisay muhiimadda ay hurdadu u leedahay caafimaadka.

Saacadda Jirka

Qof walba wuxuu leeyahay saacadda jirka, taas oo maamusha sida uu jirku u shaqeeyo celcelis ahaan muddo 24 saacadood gudahood ah.

Waxay saameysaa wax walba laga soo bilaabo markaan seexanno, xaaladdeenna iyo xitaa khatarta aan ugu jirno wadno-istaagga.

Balse saacadaha jirka ee dadka isku waqti ma sheegto.

Dadka subixii ayaa aroortii soo kaca xilli horana wax qabsada, waana kuwo daala marka la gaaro casar-liiqa.

Dadka fiidkii ayay ku adag tahay inay kacaan xilli hore aroortii, waxayna wax qabsadaan oo ay firfircoon yihiin xilli dambe fiidkii, waxayna door bidaan inay xilli dambe habeenkii seexdaan.

UK

Tanina waxay ku lug leedahay kansarka naasaha?

Baarayaasha ayaa sidaa u maleynaya. Waxay adeegsadeen hab cusub oo casri ah oo lagu falanqeeyo daraasadda.

Waxay baareen qaybo ka tirsan dhiigga hidda-sidaha ee DNA, kaas oo xukuma haddii aan nahay dadka subixii ama dadka fiidkii.

Waxayna taas u adeegsadeen inay baaritaan ku sameeyaan in ka badan 180,000 oo haween oo ka tirsan mahsruuca UK Biobank iyo ku dhowaad 230,000 oo haween ah oo ku jiray daraasadda Ururka Kansarka Naasaha.

Waxay muujiyeen in kuwa jinsi ahaan u dhisan dadka subixii ay yar tahay inuu ku dhaco kansarka naasaha marka loo barbardhigo kuwa fiidkii firfircoon.

Heerkee ayay saameynta la ektahay?

Qiyaastii toddobadii haween ee UK ku nool mid ka mid ah ayuu ku dhacaa kansarka naasaha.

Balse daraasaddan waxay keliya qiimeyn ku sameysay wax yar, muddo ku siman siddeed sano oo ka mid ah nolosha haweeneyda.

Muddadaas waxay daraasaddu muujisay in labadii ka tirsan 100 dadka fiidkii ah inuu ku dhacay kansarka naasaha marka loo barbar dhigo hal qof oo ka tirsan dadka subixii oo uu ku dhacay.

Da`da iyo taariikhda qoyska waa kuwa ugu badan eel ala xiriiriyo kansarka naasaha. Sida ay sheegtay waaxda Baaritaanka Kansarka ee UK, qiyaastii rubuc ka mid ah kiisaska waa kuwo laga hortagi karo.

Marka hurdo fiican oo habeenkii ah ma iga baajineysaa inuu igu dhaco kansar?

Sidaa uma fududa.

Dr Rebecca Richmond, oo ka mid ah baarayaasha oo ka tirsan Jaamacadda Bristol, ayaa sheegtay in weli ay xilli hore tahay in caddeymo sax ah la siiyo haweenka.

Waxay u sheegtay BBC: “Weli waxaan u baahannahay inaan ogaanno sababta qofka fiidkii firfircoon uu uga khatar badan kansarka qofka subixii firfircoon… waxaan u baahannahay inaan ogaanno xiriirka ka dhaxeeya.”

Ma wax la xiriira saacadda jirkaa? Ama dadka fiidkii firfircoon ayaa waxyeello u geysta jirkooda iyaggoo aroortii kaca oo shaqo aada? Saacadda jirka ma saameysaa heerarka hormone-ka si ay uga hortagto khatarta kansarka, ama difaaca jirka?

Weli waxaa jira su`aalo badan oo aan laga jawaabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here