DHAGEYSO: Khudbadii Uu Jeediyey Shariif Xasan Markii Uu Is Casilayey,Weerarkiisii Afka Uu Qaaday & Arimo Kale

Madaxweynihii Hore Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu si qoto dheer kaga Hadlay Sababtii uu isku casilay.

Shariif waxa uu cod dheer ku sheegay in Dawlada Dhexe ay Fara gelin Qaawan ku sameysay Doorashada sidaa awgeedna uu udul qaadan waayey in xildhibaanada Koonfur Galbeed ay Xamar udaabushay si aysan doorashada udhicin

Waxa uu sheegay Shariif Xasan in Dawlada Federaalka ay Awood istcimaashay isna uu bad baadada Deegaanka Dadka ku dhaqan Koonfur Galbeed uu isku casilay kana tanaasulay inuu doorashada u tartamo.

Fariin Ayuu udiray Murashaxiinta iyo Dawlada Dhexe,waxa uu ugu baaqay inay dadka ka hortegaan wax kasta oo qalalaase keeni kara Nabad gelyada.

Isagoo uu garab joogay Shariif Xasan ayuu Wasiir Sabriye dhagahiiisa ugu shubay Hadalkaas saameynta Badnaa,waxa uu urajeenyey Shacabka Koonfur Galbeed,Beesha Caalamka iyo Cid kasta oo Caawinaad siisay Maamulka Koonfur Galbeed Kheyre iyo Baraare uu ujeediyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here