DHAGEYSO: Kulankii Baarlamaanka Ee Maanta Oo Hal Arin Awgeed U Baaqday & Sidiiq Warfaa Oo…

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ay ku yeelan lahaayeen Magaalada Muqdisho uu ubaaqday Koorarm La’aan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii tegay ayaa waxay wax laga xumaado ku sheegeen in tirade Kulanka ku furmi lahaa aysan imaan iyadoo shaqo badan Golaha Shacabka u yaallaan.

Sidiiq Warfaa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa uu ka hadlay Sababta keentay Qabsoomid la’aanta Kulankii Maanta.

Waxa uu sheegay inay maanta ka doodi lahaayeen Hindise Sharciyeedka Hawada islamarkaana Akhrinta 2aad ay gelin lahaayeen Sharciga Liil Tirka Siyaasiyiinta.

Gudoonka Golaha Shacabka ayuu ka codsaday in ay La xisaabtamaan xildhibaanada iyagoo magaalada jooga hadana aysan soo xaadirin Kalfadhiga oo Shaqooyin badan hor yaallaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here