DHAGEYSO: Rooboow Oo Shahaadada Markii Uu Maanta Qaatay Hadal Dhego Hadal Ah Ku Yiri Murashaxiinta

Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur ayaa waxa uu maanta la kulmay Gudiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Islamarkaana la gudoon siiyey Shahaadada Murashaxnimada.

Waxa uu Rooboow Buuxiyey Shuruudihii Looga baahnaa Murashaxiinta utaagan Doorashada dhaceysa Maamulka K/Galbeed.

Abu Mansuur ayaa noqday Murashaxii ugu horeeyey Ee Qaata Shahaadada,iyadoo Si rasmi ah Axadii shalay Is diin waan gelinta Murashaxiinta ay bilaabatay.

Mid ka mid ah Gudiga Doorashada ayaa ka waramaya Shahaadada la gudoonsiiyey Rooboow.

Sheekh Mukhtaar Rooboow ayaa rajo ka muujiyey sida uu ugu soo horeeyey is diin waan gelinta in uu guul ka gaaro Murashaxiinta kale Kursigana uu ku guuleysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here