DHAGEYSO: Sargaal Katirsan Ciidamada Dawlada Ee Mahadaay Jooga Oo Xog Ka Bixiyey Weerarkii Xalay Al Shabaab

Taliyaha Ciidamada Amniga Ee Degmada Mahadaay Cali Muxumed Rooble ayaa waxa uu ka hadlay Xaalada Nabad gelyo Ee Degmadaasi.

Waxa uu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen Tuulada Miir tuugo Shalay gabal dhicii islamarkaana Shacab ay waxyeelo ugeysteen Hantina hore usii qaateen.

Taliye Rooble waxa uu sheegay inay daba gal ku hayaan kooxdii weerarkaasi soo qaaday,iminkana xaaladu tahay mid xasiloon.

Laamaha Amniga Ee Degmada Mahadaay Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegeen inay bilaabayaan howlgal Amniga lagu Xaqiijinayo laguna xoreenayo Tuulooyinka Gacantooda ka maqan,

Al Shabaab ayaa shan qof oo shacab ubadnaa ku dilay Deegaanka Miir tuugo weerar ay Isniintii shalay ku qaadeen,waxaana dadka dhintay ku jira Askar hubkii ay lahaayeen hore usii qaateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here