DHAGEYSO: Soomaaliland Oo Dhabar Jab Lagu Riday,UNDP Oo Xiisad Abuurtay & Puntland Oo Laga Farxiyey

Hay’ada Hormarinta Barnaamijyada Qarmada Midoobeey Uqaabilsan Ee UNDP ayaa waxa lagu Eedeeyey Inay Xa d gudub ku sameneyso Maamulka Soomaaliland.

Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ah UCID Ee Soomaaliland Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo maanta shir jaraa’id Ku Qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu Sheegay in UNDP Xarun weyn ka dhiseyso Magaalada Badhan.

Waxa Xaruntaas loogu talo galay Baarlamaanka Puntland isagoo Ramaax ku sheegay mid dhaawac ku ah Jiritaanka Soomaaliland Dhismahaas.

Waxa uu ugu baaqay Madaxda Soomaaliland inay Deegaanadooda ka saaraan Hay’adan oo Dhabar jab ku ah Qaranimadooda sida uu warka udhigay.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Hay’ada UNDP oo ay kaga hadlayaan Eedaan uga timid Xisbiga UCID Ee Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here