DHAGEYSO: Wasiir Sabriye Oo Xaqiijiyey In Xil Loo Ballan Qaaday Shariif Xasan & Sir Uu Qariyey Wixii Maanta Dhacay

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Eng, Cabdi Maxamed Sabriye Ayaa waxa uu ka hadlay Isbadelka ku dhacay Hogaankii Maamulka Koonfur Galbeed Ee Shariif Xasan iska casilay.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay inay deg deg ugu soo baxeen Qalalaasaha ku yimid Doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo 17 Bishaan oo 10 Cisho ka harsan tahay.

Waxa uu bogaadiyey Dedaalkiisii Hogaamineed Ee Shariif Xasan,waxa uu sheegay inuu ahaa mid saaxiib ay ahaayeen kuna sheegay Shakhsi aad uwanaagsanaa.

 

Wasiir Sabriye waxa uu diiday in arimaha dhexmaray Shariif Xasan ka hor is casilaadiisa uu Warbaahinta la wadaago,taas oo shaki kale Abuurtay.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya waxa uu sheegay inay ka rajeenayaan sidii loogu talo galay Doorashada Udhacdo,madaxweyne dadka iyo deegaankana anfa usoo baxa 17 Bishaan Maamulka K/Galbeed Soomaaliya.

Eng,Sabriye ayaa sheegay in Shariif Xasan Uu Soo Laaban doono Siyaasadana Xil uu ka qaban doono,balse uusan muujin xilkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here