DHAGEYSO: Xildhibaan Dalxa Oo Maanta Xabadka U Garaacday Dadka Dhimirka La’ Isagoo Kusugan Kulanka Baarlamaanka

Kulankii Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa looga hadlay Dhowr Ajande islamarkaana looga doodayey Hindise Sharciyeedyada Akhrintiisa 1aad Naafada Qaranka,iyadoo wax Kabadelka Xeer hoosaadka Baarlamanka iyo liil Tirka Siyaasiyiinta laga hadlay.

Waxaa Shir gudoominayey Kulanka Maanta Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,waxaana lasoo bandhigay Xuquuqda ay ubaahan yihiin Naafada Soomaaliyeed.

Xaawo Yuusuf Axmed Oo Ah Gudoomiyaha Gudiga Naafada Qaranka ayaa ka hadashay Nuxurka Xeerka ay Soo diyaariyeen iyo Xaq siinta Naafada Qaranka.

Xidlhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa Mudanayaashii Ka hadlay Xeerkani waxa uu soo jeediyey in aan lagu deg degin meel marintiisa iyadoo Dadka Maskaxda ka xanuunsan meel cad lagu saarin xuquuqda ay leeyihiin.

Ugu dambeyn Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu sheegay inay Xildhibaanada aan soo xaadirin Kulamada ay digniin udirayaan uguna baaqay inay Howshii loo igmaday si hufan ugutaan Waajibaadka ay udhaarteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here