DHAGEYSO: Xildhibaan Mahad Salaad Oo Weerar Culus Ku Qaaday AMISOM, & Xildhibaano Kale Oo…

Xildhibaanada Golaha Shacabka Qaarkood ayaa waxay maanta si kulul uga hadleen Xasuuqii Ciidamada AMISOM Shalay ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadani waxay si caro leh uweerareen Ciidanka AMISOM,kuna tilmaameen kuwo Caadeysatay daadinta Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed.

Mahad Salaad iyo Ubax Tahliil oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa cod dheer waxay ku sheegeen in loo baahan yahay lagala Xisaabtamo,dhibaatada Shacabka ay ugeystaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta waxay ka baaqdeen Kulan ay yeelan lahaayeen kadib kooram la’aan uu noqday sidaana dib Sabtida loogu dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here