DHAGEYSO:Ciidamada AMISOM Oo Saaka Xasuuq Ka Geystay Muqdisho,Shacab Shaah Cabayey Oo La Laayey

Ciidamada AMISOM ayaa Degmada Heliwaa Ku Laayey Dad Shacab Ah Saaka kadib weerar lagu qaaday Oo faah faahino kasoo baxayo iminka.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weeraray Ciidankani,waxaana Qarax miino lagu gubay gaari booyad ah oo AMISOM wateen agagaarka isgoyska SOS.

Qaraxa kadib iskahorimaad ayaa dhacay sida lasoo warinayo,waxaana ka dhashay Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka AMISOM Ayaa Ilaa Isgoyska Ex Control Balcad waxay rasaas ku fureen waddooyinka jid cadayaasha ah,xilli dagaal aan lala galeyn markii dhibku gaaray kadib oo xanuun ay dareemeen.

Seddex Qof oo Shaah ku cabayey Garaash hortiisa ayey si bareer ah Utoogteen AMISOM,iyadoo nin Kareeto ama gaari dameer watay oo Garaash dhex galay inta ay uga daba tageen ay Ciidanka AMISOM dileen.

Ciidanka AMISOM dhankooda waxyeelo ayaa soo gaartay balse tiro koob lama hayo inta ay khasaaraha gaaray la eg tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here