DHAGEYSO:Ciidamada dowlada oo ku dhaqaaqay ficil dhowr sano ee kasugayeen shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan….

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 6aad ayaa waxa ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab kaa soo la isugu furayo wadooyinka ay go’doomiyeen ee Gobolka Bakool.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa waxa ay dhaq dhaqaaqa howlgalkooda ka wadaan degmaa CeelBarde ee Gobolka Bakool,waxaana lagu wareejiyay saanadii Millateri ay ku howlgeli lahaayeen.

Degmada Ceelbarde ayaa waxa gaaray wafdi saanad millateri u waday Ciidamadaas oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya ahan Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Cabdi wahaab Ugaas Xuseen Ugaas,khaliif,waxaana saanadaaas ay ku wareejiyeen Saraakiisha ciidamada.

Guddoomiyaha degmada Ceelbarde Cabdi Fitaax Cumar iyo Gaashaanle Sare Xasan Xukun oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa waxa ay siwadajir ah u sheegeen in ay waajib tahay in la garab istaago ciidamada xoogga dalka eek u jira difaaca lana dagaalamaya Al-Shabaab.

Xildhibaan Cabdi Wahaab Ugaas Xuseen Ugaas khaliif ayaa isaga oo la hadlayay ciidamada waxa uu sheegay in ay muhiim tahay inay ciidamadu laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here