DHAGEYSO:Doorashadii K/Galbeed oo lagu dhawaaqay in dib loo dhigay&Yaa Udhigay?

Qaar ka mida odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay dib u dhigeen doorashadii maamulkaasi oo la filayey inay dhacdo 17-ka Novembar 2018.

Odayaasha Golaha dhaqanka K/Galbeed oo tageersan madaxweyne Shariif Xasan ayaa shir ay ku qabteen magaalada Baydhaba goor uga dhawaaqay dib u dhigista doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxay Odayaashan ku eedeyeen inay magaalada Muqdisho u qaaday xildhibannadii Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoo siisay lacag laaluush ah, waxayna ku amartay sida ay sheegeen inay doorteen musharax ay wataan, sidaasina dib loogu dhigay doorashadii, iyadoo aan waqti kale loo qaban.

Shariif Xasan oo xilkii madaxweyne ee K/Galbeed ka dhammaaday ayaa go’aansaday inuu hakiyo doorasahada, kadib markii uu xaqiiqsaday in looga guuleysan doono, waxaana laga cabsi qabaa in K/Galbeed ay gasho jawi xasilooni la’aan siyaasadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here