DHAGEYSO:Maxaa kusoo kordhay dadkii saake Amisom kudishay Muqdisho&Ehelada Dadkii Oo Hanjabaad Culus Soo Diray

Ciidamada AMISOM ayaa waxay maanta gelinkii hore ku dileen dad shacab ahaa Xaafad SOS Ee Degmada Heliwaa.

Ka hor Dilkaas Shacabka loo geystay waxaa jirtay weerar lagu qaaday Ciidanka oo Qarax lagu Beegsaday.

Baabuur ka mid ah kuwa Ciidamada Ugandha wateen oo Booyad ahaa ayaa la qarxiyey kadibna ay rasaas ooda uga qaadeen Dad Shacab ahaa.

Ilaa Afar qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen Rasaastaasi,oo qaarkood la sheegay inay goob shaah ay ku cabayeen ciidanka ugu tageen.

Ehelada dadka la laayey ayaa warbaahinta uga waramay dareenkooda iyo Xasuuqaas ay AMISOM geysteen saaka.

Dhinaca kale Banaanbax looga soo horjeeday Ciidanka AMISOM ayaa ka dhacay Saaka Degmada Heliwaa kadib Rayidka ay waxyeelada ugeysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here