Madaxweyne Waare Oo Si Adag U Cambaareeyey Dilkii Xildhibaan C/weli Loo Geystay Sheegayna Inaysan…

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare (Siraaji) ayaa qoraal uu soo saaray waxa si kulul ugu cambaareeyey Dilkii Galabta Muqdisho Loogu geystay Marxuum C/weli Ibraahim.

Marxuumkaasi waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle,waxaana waare alle uga rajeeyey in Janatul Fardowso Ka waraabiyo.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya, Dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Waa Xildhibaankii afaraad ee HirShabelle isagoo Katirsan La Dilo Sanadkaan,Hore Sidaan oo kale Seddex Xildhibaan ayaa labo lagu Dilay Sh/Dhexe,Midna Sh/Hoose lagu Khaarajiyey Qarax Gaari ay la socdeen loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here