Qarax Ka Dhacay Caasimada HirShabelle Ee Jowhar & Warar Hordhac Ah Aan Ka Helnay

Qaraxaan ayaa ahaa mid Lagu weeraray Kollonyo katirsan Ciidamada AMISOM oo marayey Duleedka Magaalada Jowhar.

Gaadiidka la weeraray ayaa la sheegay inay galbinayeen Baabuur Saad iyo biyo siday oo usocday Xerada Ciidanka AMISOM Ee kusugan Garoonka Diyaaradaha Jowhar.

Meel udhaxeysa Buurane iyo Garoonka Diyaaradaha Jowhar ayaana qaraxa uu ku qabsaday Gaadiidka AMISOM.

Al Shabaab Oo Sheegtay weerarkaan waxay tibaaxeen in gaari Taaw Ah gubeen Askar Burundees ahna ku dileen.

Ma heyno warar kale marka laga soo tego Sheegashada Shabaab Qaraxaasi inay Khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM Galabta,mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Taliska Midowga Africa Sektarkooda Shabellaha Dhexe kusugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here